www.aljazeera.net/english

Monday, September 20, 2010

Qurbe nacas.............


I truly dedicated this meaningful poem, to any one who felt homesick and planing or thinking to return back home wherever it is. we knew that being in overseas is somehow worthwhile but there are other things to consider, such as living with your relatives, celebrating festivals with your country fellow and so on so forth. Everyone is firmly believe that we one day you will back to your origin roots. nevertheless, its not too late to go back to your home...your country needs you, specially those who believe being in qurbe is the perfect choice!!!!ahmed hanad

Gabay qurbaha


Dal shisheeye dabac ma leh mar buu kaaga darayaaye,
Dad qalaadna gacal ma leh, daryeel, daawo iyo hiile,
Derisiyo muraadiyo adduun doorkan laga waaye.
Adigayba kugu diimayaan digasho awgeede,
Dunji qoonkii soo galay ayey dacari haysaaye,
Loo diid hadday doonayeen darajiyo maale.
Qurbe diisimaad ma leh illayn dooyga dhaxameed,
Dan la'aan raggii degey dhammaan damac khasaarowye,
Duulkii u soo qaxay miyaa duufka la cunsiiyey?
Dandarriyo waxay diif qabaan diilalyada haysa!
Shuqul door ahaa iyo xammaal laga darbaysiiye!
Daadduunka cayreedna waa sida dagaaggiiye!
Inay dib uga laabtaan mindhaa dani geyeysiine.
Dadka dalaw ku caariyahayee dalidhaclaynaaya,
Dalkoodii hadday darin dhigtaan dacas ma haysteene,
Mana ay dakaameen sidii doon abaarsadaye,
Waxse loogu daw galay awaal soo dawiyey jeere,
Oo deli ka tuuriyo daleel lagu hungoobaaye,
Haddaan haatufkii daqaqansheen lama dalaafeene.
Ma dulloobo ehelkiis nimay degel wadaagaane,
Duunyadana Allaa bixiya ee danni lagu waaye,
Xigaal lagu duggaalaa ka roon dibad la aadaaye.
Dugsi waa dhulkaagiyo dallaal lagu dakeeyaaye,
Kalluun dabatayaa iyo haruur dalagga beertaaba,
Ilaah deeqi waa buux haddaan laga dayoobayne,
Wax la yaab leh diiqiyo ninkaan darar ka duugayne.
Afartaa dabuubta ah haddaan deelka ka higgaadshay,
Aan erayo daahira dumoo idin dareensiiyey,
Danta iyo ujeeddadu runtii dar Alle weeyaane,
Kuwa damacsan dhoofkoow war maa laga daliil qaato!!!

No comments:

Post a Comment