www.aljazeera.net/english

Thursday, September 23, 2010

Mahad naq iyo ogaysiis!


Assalamu alaikum wr wb

Marka hore waxaa mahad leh ilaahay, marka xiga waxaan halkan idiinku soo gudbinaya mahad naq balaadhan dhamaan dadka soo booqda blogan yar ee dhawaan aan furay.

Mudo hada laga joogo laba bilood ayaan bilaabay inaan furo bloggan yar oo ah mid aan markii hore ugu tala galay inaan notes kayga ama xususahayga ku qoro, kadib markii aan arkay faa,idada uu u leeyahay dad badan, waxana sii kordhiyey inaan maalin kasta soo galiyo sheekooyin xiiso badan oo ku qoran luqada afka ingiriisida. Akhristayaal maanta waxaan halkan kusoo gudbinaya dadkii iyo wadamadii laga soo booqday bloggan mudadii yarayd ee uu furnaa, waxa filan waa igu noqotay in maalin kasta ay dad soo booqdaan iyagoo uga bartay blogan sheekooyin xiise leh.Waxaan ku faraxsanahay inay akhristayaal badani ay la socdaan bloggan iyo shekoyinka lasoo galiyo, waxaan aaminsanahay inay blogan soo booqdaan inta ugu maskaxda badan dadka somalida ee jecel inay wakhtigooda ku lumiyaan akhris muhiim u ah naftooda. halkan hoose waxan kusoo gudbinaya wadamada iyo tirada dadka soo booqday bloga mudadii yarayd, waxaanan leeyahay blogani idinka ayaa leh oo uu idiin furanyahay.

Malaysia630
Djibouti344
United Kingdom244
United States138
Luxembourg118
United Arab Emirates48
Canada28
Kenya17
Sweden13
China10

Akhristayaal, waxaan salaan iyo mahadnaq idiin soo marinaya hawada, anigoo idiin balan qaadaya inaan maalin kasta sheeko xiiso leh soo galiyo bloggan, waxaan markale idinka codsanaya inaad afkaartiisa qaybta hoose ee comments ku dhaaftaan ama aad wixii talo ama tusaale ah iigu soo hagaajisaan ahmedarea@gmail.com.

wabilaahi tawfiiq

admin
ahmed adam
Kuala lumpur
Malaysia

23/sep/2010

No comments:

Post a Comment