
Been maaha in nin kasta oo aduunka ku nooli uu jecelyahay inuu helo ama guursado gabadh quruxbadan, taas micnaheedu maaha inay gabadhu ahaato mid leh waji ama astaamo kale oo u gaar ah oo lagu raaci karo ama qurux lagu sifayn karo. Waxaa hubaal ah in quruxdu tahay mid ilaahay uu bixiyo iyadoo aduunkan qof kasta oo ku nool uu ilaahay siiyey hibo, qurux, iyo karti isaga u gaar ah. Mawduuca aan halkan idinku soo gudbinaya akhriste waa maqaal aad u xiiso badan oo ku saabsan 28 sifo oo somalidii hore ay dumarka ku xulan jireen. Addunka aynu maanta ku noolnahay ayaa quruxdu noqotay mid qofkasta samaysan karo, tusaale ahaan waxa jira wax loo yaqaan (blastic surgery) taasoo qofkii sanka gaabnaa loo samayn karo san dheer, kii buurnaa laga dhigi karo qof dhuuban. Sikastaba ha ahaatee inaga oo ah dad muslimiin ah ayaa aynu ku qanacsanahay in ilaahay sidii uu inoo sameeyey ay tahay sida ugu quruxda badan ee hibada la inoo siiyey. Waxaan hadaba halkan ku arki doonaa 28kii sifo ee dadkii hore ku raaci jireen dumarka, waxa la yidhi gabadhu hadii ay leedahay 28kaa sifo ayna madax banaantahay guurkeeda sina laguma dhaafo...waxaa ka mida 28kii sifo
Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta. - Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda. - Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood. - Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab. - Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood. - Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (Naasaha caaraddooda). - Labay u shuban tahay: labada dhaban. - Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato. - Hal ay u qoran tahay: waa sanka. Lix iyo labaatankaas sifo waxaa soo raaco labada maqalkoodu ay dheguhu ku
raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
Waxa aad halkaa ka dheehan kartaa in meelo badan lagu kala duwanyahay iyadoo wadamada qaar ay quruxda uba yaqaanaan si ka duwan waxyaabahan aan kor kusoo sheegnay...sikastaba ha ahaatee mawduucan yar ee gaaban maanta waxaynu kusoo gabagabaynaynaa in quruxda noocan ah laga heli karo GEESKA AFRICA iyo gayigeena qurxoon idilkii.
Qalinkii, Ahmed hanad
ahmedarea@gmail.com
copyright2010-www.ahmedhanad.blogspot.com